Home Wararka Gudaha Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dalka oo goordhaw Muqdisho lagu...

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dalka oo goordhaw Muqdisho lagu doortay

171
0
(Mogadishu-xog-ogaal) Waxaa goordhaw lagu doortay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka.

Doorashada Maanta dhacday ee xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, waxaana tanaasul sameeyay inta aysan doorashada bilaaban Musharax Mustaf Macalin Cali.

Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka oo cod gacan taag ah ku codeeyay, waxay guddoomiye ugu doorteen Maxamed Cawil Waraame oo sidaas ku noqday maanta guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Guddigan xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee dalka ayaa lafdhabar waxa uu u yahay howlaha doorashooyinka dalka iyo xal u helista cabashooyinka kasoo laabta doorashada, dhawaan ayay aheyd markii guddiga doorashada dadban ee heer Fedaraal ay iyagana teendhada Afisyooni ku dhex doorteen guddoomiyaha cusub ee guddigaasi Muuse Geelle Yuusuf oo badalay gudoomiyahii hore oo ay xilka qaadis ku sameeyeen xubnaha kale guddiga.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.