Home Wararka Gudaha Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Safiirada Midowga Yurub & Talyaaniga kala hadlay doorashooyinka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Safiirada Midowga Yurub & Talyaaniga kala hadlay doorashooyinka

135
0

Insiin 9-ka May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi.

Labada dhinac ayaa waxaa  ay ka wada hadleen dhammaystirka howlaha Doorashooyinka ka socda Dalka iyo sidii doorashada Madaxwaynaha 10aad ee JFS ay ugu qabsoomi lahayd jawi xasilan oo nabad ah, safiirada ayaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ugu hambaleeyay xilka guddoomiyaha Aqalka Sare oo dib loogu doortay, iyaga oo ugu baaqay in uu si dardar leh u wato Shaqadiisa.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Safiirada dadaalka ay ku bixinayaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay siiyaan doorashooyinka socda ee Soomaaliya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.