Home Wararka Gudaha Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo Guddoomiye Cusub doortay

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo Guddoomiye Cusub doortay

144
0

Axad 20-ka Maarso, (Jowhar-xog-ogaal) Xubnaha Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa Maanta waxaa ay doorteen Guddoomiye Cusub kadib Doorasho ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, guddoomiyaha Cusub oo lagu Magacaabo Maxamed Xuseen Maxamed Waadi ayaa waxaa uu bedelayaa Guddoomiyihii Gudiga doorashooyinka Hir-Shabeelle Axmed Xasan Diino oo xalay xilka laga Eryay.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay xilli dambe xilkii iyo xubinimadii Gudiga ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle Axmed Xasan diino, isaga oo ku eedeeyay in uu hagal daacinayo Doorashooyinka,
dhankiisa Guddoomiyihii Gudiga doorashooyinka Hir-Shabeelle Axmed Xasan Diino  ayaa sheegay in Madaxweynaha hir-Shabeelle Cali guudlaawe iyo Xubno kamid ah xulafadiisa ay hortagan yihiin in la dhameytiro doorashada kuraasta taalla Beledweyne.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.