Home Wararka Gudaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay 13 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo...

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay 13 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Baraawe

244
0

(Baraawe-xog-ogaal) Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur galbeed ayaa soo saaray doorashada 13 kursi oo katirsan aqalka hoose, kuwaas oo todobaadkan doorashadooda la qabanayo.

Kuraasta doorashadan ayaa lagu qaban doonaa magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose, waxaana Koonfur Galbeed ay noqotay maamulkii ugu horeeyay ee doorashada aqalka hoose ku qabanaya deegaan doorashada labaad.

Guddiga doorashada Koonfur galbeed ayaa ku wargaliyay musharraxiinta kuraastan in ay isku diyaariyaan diiwaan galinta doorashada, balse marka hore guddiga ayaa soo gudbindoona liiska odayaasha dhaqanka iyo xubnaha ururada bulshada ee soo xulidoona ergooyinka doorashada.

Koonfur galbeed ayaa noqotay meelaha ugu badan ee ay kasoo baxeen wajiyo cusub oo u badan dhallinyaro siyaasada ku cusub, waxaana meesha ka baxay odayaal muddo dheer golaha shacabka dhex fadhiyay.

Doorashada aqalka hoose ayaa haatan ku socota si dardar leh, inkastoo aad walaac looga muujinayo kuraasta barlamaanka oo noqday kuwo cid si gaar ah loo xiray, arrintaas oo lagu tilmaamay boob.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.