Home Wararka Gudaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo kulamo ka wada Galgaduud….

Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo kulamo ka wada Galgaduud….

322
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheyta Galmudug, Cabdikaafi Maxamed Maxmuud,ayaa faah-faahin ka bixiyay degaannadii ay tageen iyo kulamo ay la yeesheen  Bulshadii ay u tageen.

 

Wasiirka oo sidoo kale xubin ka ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa ay ay la kulmeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan, Guri-Ceel, Balanballe iyo Caabud-waaq, si ay ugu qeyb galaan shirka oo la filayo in dhowaan lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay Wasiirku in kulanka lagu wado in uu ka qabsoomo Dhuusamareeb lagu turxaan bixin doono waxyaabaha ay kala tabanayaan Bulshada halkaa ku dhaqan, si ay reer Galmudug u dhistaan maamul loo dhan yahay iyaguna ay ka noqon doonaan kor joogto.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheyta Galmudug, Cabdikaafi Maxamed Maxmuud, oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay socdaalka ay ku marayaan degaannada Galmudug ay dhowaan soo gaba-gabayn doonaan.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.