Home Wararka Gudaha Guddiga cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo sheegay inay dowladda Xasan ay kala shaqeynayaan...

Guddiga cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo sheegay inay dowladda Xasan ay kala shaqeynayaan cuuryaaminta dhaqaalaha Al-shabaab

77
0

Isniin 27-da June 2022,(New York-Xog-ogaal) Guddiga golaha ammaanka u qaabilsan cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeynayaan cunaqabateynta hubka, curyaaminta dhaqaalaha Al-shabaab, arrimaha ban ni’aadantinimada iyo dhoofinta dhuxusha, guddiga ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo weerarrada sii kordhaya ee Al-shabaab.

“Guddigu wuxuu taageersan yahay dowladda Soomaaliya iyo la howlgalayaasheeda inay sameeyaan dedaalo kala duwan oo lagu qalajinayo dhaqaalaha Al-shabaab iyada oo la qabanayo lacagaha lagama maarmaanka u ah howlaha, dedaaladaas ayaa noqon doona mid wax ku ool ah oo keliya marka la helo xog-wadaag iyo wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta dowladda Soomaaliya, dowladaha deriska iyo saaxiibada caalamka, iyadoo la kaashanayo guddiga Khubarada” ayuu lagu yiri warbixinta guddga”.

Guddiga waxay warbixntooda ku sheegeen in in ka badan 2,600 oo carruur ah loo geystay gudubyo, sidoo kale waxay sheegeen inuu jiro 50 kiis oo kufsi iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah oo ay geysteen Al-shabaab ciidamada dowladda, maleeshiyo beeleed iyo ciidamada dowlad goboleedyada, waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo wadashaqeyn iyo tallaabo mideysan oo ka dhacda golayaasha dowladda dhexdooda, taas oo muhiim u ah hubinta in si adag loogu hoggaansamo dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta hubka.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.