Arbaco 16-ka November 2022,(Mogadishu-xog-ogaal)Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa xalay ansixiyay miisaaniyadda qaranka ee sanadka soo socda (2023), ka dib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaaada Muqdisho,ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulankan shir guddoominayay ayay goluhu ku meelmariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023, oo ka kooban dakhli gudaha ah iyo deeq, taas oo gaareysa $967.7 milyan oo dollar.
Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 milyan oo dollar, halka sanadka dhammaadka ah uu ahaa $247 milyan oo doolar, wasiirka Maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahadceliyay meelmarinta ku-talagalka miisaaniyadda.
Dhanka kale golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca, ee u dhaxeeya Dowladaha Somaliya iyo Uganda, Somaliya iyo Suudaan ee ku saabsan iskaashiga gaashaandhigga, oo ay golaha horkeentay Wasaaradda Gaashaandhigga, si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.