Jimce 18-da November 2022,(Dh/mareeb-Xog-ogaal) Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee dowladda Galmudug, shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, iyadoo warbixin laga dhageystay wasaaradda amniga gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug iyo howlgaladii u danbeeyay ee kooxaha argagaxisada ah looga saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dhinaca kale wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa Golaha hor keentay hindise sharciyeed lagu dagmeynayo deegano ay wasaaraddu ku sameysay daraasad, soona buuxiyey shuruudaha degmanimo oo kala ah: 1. Dhabad, 2. Galinsoor, 3. Bandiiradley. 4. Afbarwaaqo iyo 5. Ceelguula, dood iyo falanqeyn dheer kadib, golaha wasiirada ayaa cod u qaaday ansaxinta degmooyinka kor ku xusan, ayadoona lagu ansixiyay cod aqlabiyad oo gacan taag ah.