Home Wararka Gudaha Golaha Wakiilada Puntland oo Maanta la horgeeyay miisaaniyadda Sanadka 2022

Golaha Wakiilada Puntland oo Maanta la horgeeyay miisaaniyadda Sanadka 2022

169
0

(Garowe-Xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada Maamulkaas.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda ee sanadka 2022 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Mamaulka iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane, Xassan Shire Cabdi ayaa khudbad ka jeediyey Aqalka Golaha Wakiillada waxa uuna ku faah-faahiyey Miisaaniyadda 2022.

Wasiirka ayaa sheegay in dhakhliga gudaha sannadkaan uu noqonayo $93,363,604 oo bishii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntland, waxaana sannadka 2022 koror dhan 11% marka la barbar dhigo sannadkii 2021-da.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Arbacada November 25, 2020.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.