Home Wararka Gudaha Golaha Shacabka oo si aqlabiyad leh codka kalsoonida u siiyay Ra’iisul Wasaare...

Golaha Shacabka oo si aqlabiyad leh codka kalsoonida u siiyay Ra’iisul Wasaare Xamse

138
0

Sabti 25-ta June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisal wasaaraha dhawaan la magacaabay ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta hortagay  Golaha Shacabka ee baarlamanaka federaalka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ugu qaadaan, xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo xaadiray xarunta golaha shacabka, waxaana dhammaan ku sugnaa gudoonka Golaha.

Kulanka waxaa soo xaadiray 220 Xildhibaan, gudoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanadii soo xaadiray kulanka ay codka kalsoonida siiyeen Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ma jirto Xildhibaan diiday ama ka aamusay, raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa guda gali doonnaa Dhismaha Golaha Wasiirada xukuumaddiisa.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.