Home Wararka Gudaha Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya & Farmaajo oo tagaya

Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya & Farmaajo oo tagaya

134
0

Axad 21-da August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kualnka ayaa shalay qorshuhu ahaa in uu qabsoomo balse dib loogu dhigay sababo la xiriira weerarkii Hotel Xayaat, waxaana Agendaha uu yahay dhaarinta Madaxweynihii hore ee dalka  Maxamed Cabdulahi Farmaajo & Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xidhibaannada inay kulanka soo xaadiraan, Isla markaana ay waqtiga ilaaliyaan, xildhibaannada Golaha Shacabka qaarkood ayaa la filayaa inay kulanka ka hadlaan, iyaga oo si kulul uga hadli doonaan weerarkii Hotelka Xayaat iyo dhibaatada Amni darro ee kajirta Magaalada Muqdisho.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.