Home Wararka Gudaha Golaha Shacabka oo loogu baaqay inaysan ansixin wasiirada cusub ee uu soo...

Golaha Shacabka oo loogu baaqay inaysan ansixin wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Xamse

162
0

Arbaco 3-da August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya ayaa dhaliilay hanaanka uu Ra’iisul wasaare Xamse u maray magacaabista golaha wasiirada cusub ee dalka, waxa uu tilmaamay in wasiiro aan tayo leheyn la siiyay mudanayaasha ka soo jeeda Koofur galbeed, isagoo shaaciyay inaan muuqan wax isbedel ah oo ka muuqda dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “Aniga waxaan ka codsanaa golaha shacabka in aan la ansixin golaha wasiirada” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga Universal.

Xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa dhinaca kale tilmaamay in xukuumadda uu shalay gelinkii dambe uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xamse ay aheyd xukuumaddii ugu liidatay ee abid dalka soo marta, sida uu hadalka u dhigay, “Waa golihii wasiirada ugu xumaa ee abid Soomaaliya yeelato” ayuu hadalkiisa sii raaciyey mudanahan, isagoo qiray in wasaaradaha ugu hooseeyay la siiyey wasiirada Koofur galbeed ku metela hay’adda fulinta ee dalka.

La yaabka ugu weyn ee ku jira golaha wasiirada cusub ayaa ah, Mukhtaar Roobow oo loo magacaabay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, Mukhtaar Roobow ayaa muddo ka badan sedex sano iyo bar xabsi ugu jiray dowladda federaalka, kadib markii ay dowladdii Farmaajo ka soo xirtay magaalada Baydhabo bishii December 2018.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.