Home Wararka Gudaha Golaha midowga Musharraxiinta oo shaaciyay in ay raysal wasaare Rooble ku garab...

Golaha midowga Musharraxiinta oo shaaciyay in ay raysal wasaare Rooble ku garab istaagan yihiin Kiiska Ikraan Tahliil

126
0
Kulan degdeg oo ay maanta isugu yimaadeen golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha, waxay ku dhawaaqeen in ay si buuxda u garab istaagan yihiin raysal wasaare Rooble.

Golaha midowga musharraxiinta waxay sheegeen in ay raysal wasaaraha ku garab istaagan yihiin in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan hufan oo dhameystiran islamarkaana eedeeysanayaasha si degdeg ah sharciga loo horkeeno.

Musharraxiinta waxay sidoo kale sheegeen in ay la socdaan dhaqdhaqaaq uu wado guddoomiye Mursal oo ay sheegeen inuu doonayo inuu dib usoo nooleeyo barlamaanka golaha shacabka.

Waxay ku eedeeyeen guddoomiye Mursal inuu wado isku dayo lagu carqaladaynayo daddaalka uu raysal wasaaruhu ku bixinayo caddaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil.

Halkaan hoose ka eeg bayaanka musharraxiinta :-

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.