Home Wararka Gudaha Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalka QM ee Soomaaliya

Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalka QM ee Soomaaliya

94
0

Talaado 1-da November 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar muddo kordhin ah oo loo sameeyay hawlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), muddo hal sano ah, oo ku eg ilaa Oktoobar 31, 2023, ayaa loo kordhiyay xafiiska UNSOM.

Muddo kordhintan waxay kusoo aaday iyadoo dhawaan uu dhamaaday waajibaadka ergaygii QM ee Soomaaliya, danjire James Swan, qaraarka ansixinta oo tirsigiisu yahay 2657, ayaa 14 dal waxay u codeeyeen in la kordhiyo waajibaadka UNSOM, halka hal waddana uu ka aamusay.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale u caddeeyey in dib u eegis lagu sameeyo xaalada Soomaaliya, iyadoo la eegayo horumarka siyaasadda iyo xaaladda amni ee dalka, UNSOM waxaa la abuuray bishii Juun ee 2013. Golaha Ammaanka ayaa u abuuray in la taageero dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.