Home Wararka Gudaha Golaha Ammaanka oo kordhiyey muddada hawlgalka QM ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka oo kordhiyey muddada hawlgalka QM ee Soomaaliya

127
0

Friday 27-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar lagu cusboonaysiinayo shaqada xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo shan bilood ah.

Qaraar tirsigiisu yahay 2632 oo ay si wada jir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee golaha, ayaa loogu ogolaaday in xafiisku sii shaqeeyo ilaa Oct. 31, 2022, golaha ammaanka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in uu golaha si joogto ah ula socodsiiyo meel marinta qaraarkan, iyadoo warbixinta xigtana ay ku egtahay 31-ka Agoosto.

Golaha ayaa sidoo kale ka codsaday xoghayaha guud, inuu wadatashi la sameeyo dowladda federaalka Soomaaliya, si dib u eegis loogu sameeyo UNSOM, loogana mira dhaliyo howshii loo igmaday inuu fuliyo, UNSOM waxaa la aas aasay June 2013 Golaha Ammaanka si uu u taageero dowlad dhisidda iyo nabadeynta Soomaaliya.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.