Home Wararka Gudaha Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya

189
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaado ah yeelanaya kulan looga hadlayo xaaladda Guud ee  Soomaaliya, iyada oo lagu guda jiro xilli doorasho.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa warbixin ka siin doona kulanka Golaha Ammaanka.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha horyaalla, howlgalka AMISOM & sidoo kale abaaraha xilligaan kajira meelo badan oo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

 

Safiirada dalalka Caalamka u jooga Qaramada Midoobay ayaa iyana dhankooda warbixino ka jeedin doona Shirka, kuwaas oo siweyn kaga hadli doona xaaladda Soomaaliya, sida doorashooyinka, Amniga iyo Abaaraha, iyaga oo qaarkood balan qaadyo sameyn doona.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida ku cadaadineysa in si deg deg ah loo dhameystiro arrimaha doorashooyinka, iyada oo waqtigii loo qabtay in doorashooyinka la soo geba-gabeeyo ay ku egtahay 25-ka Bishaan Febaraayo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.