Jimce 18-da November 2022, (New York-Xog-ogaal) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-shabaab ay tahay koox argagaxiso ah oo weli si dhab ah u carqaladeyneysa nabadda, Soomaaliya ayaa ku dooday in loo baahanyahay in cunaqabateynta laga qaado si ay Al-shabaab meesha uga saarto.
Qaraarka oo sidoo kale walaac ka muujinaya sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika ayaa waxa ansixiyey 11 dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan, qaraarka ayaa lagu sheegay in uu ilaalinayo cunaqabateynta hubka ee la ansixiyay, kaas oo mamnuucaya iibinta ama wareejinta qaybaha muhiimka ah ee walxaha qarxa ee ay Al-shabaab adeegsato, mamnuucidda soo dejinta iyo dhoofinta dhuxusha iyo in la xayiro safarrada iyo hantida dadka khatarta ku ah nabadda, xiriirna la leh al-Shabaab, oo ay ku jiraan maalgelinta ama fududaynta hawlaheeda.
Dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka heleysay Midowga Afrika si loo qaado cunaqabateynta hubka, safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka.
Waxa uu ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-shabaab, “Cunaqabateyntan gacamaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arxan-laaweyaasha ah” ayuu yiri Abuukar Cusmaan.