Home Wararka Gudaha Go’aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Magaalada Garoowe

Go’aano kasoo baxay Shir looga hadlayay Amniga Magaalada Garoowe

267
0

(Garoowe-xog-ogaal) Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta oo khamiis ah Shir Guddoomiyay Shirka Saraakiisha Amniga Caasimada Puntland ee Magaalada Garowe.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Nugaal iyo kantaroolada laga soo galo magaladda Garoowe.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amniga guud ee caasimada ka hortaga mandooriyaha iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaa .

Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal ayaa warbixino ka dhagaystay Taliyaasha saldhigyada iyo kantaroolada iyagoona ka warbixiyay shaqooyinka siday u socdaan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sarakiisha kula dardaarmay xoojinta amniga Caasimada iyo ka hortaga falalka Amni darro oo ay geystaan Al-Shabaab.

“Kooxaha argagixisada waxay donayaan inay khal khal amni daro ka sameyaan gudaha Garowe ee waxaa loo bahan yahay inay feejignaan galaan Ciidamada amniga baaritaan dheerna ay sameyaan ayuu yiri” Taliye Xuseen.

Magaalada Garoowe ayaa kamis ah Goobaha ay ka socoto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay aad loo adkeeyay Amniga Magaalada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.