Home Wararka Gudaha Go’aankii Ra’iisul wasaare Rooble ku ceyriyay Francisco Madeira oo dhaqan-galay

Go’aankii Ra’iisul wasaare Rooble ku ceyriyay Francisco Madeira oo dhaqan-galay

105
0

Sabti 9-ka April 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu dhaqan-galay go’aankii Ra’iisul wasaare Rooble dalka uga ceyriyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, midowga Afrika ayaa sida wararku sheegayaan dib ugu yeertay wakiilkooda Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira kadib markii ay dalka ka ceyrisay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal dhowaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in xukuumaddu u aqoonsatay wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya shakhsi aan dalka laga rabin, danjire Madeira ayaa markii go’aankaas oo baxay ku sugnaa magaalada Nairobi islamarkaana ku sii jeeday Muqdisho balse wuu ka baaqday, waxaa xusid mudan in madaxweyne Farmaajo uu ka horyimid go’aanka lagu ceyriyay wakiilka Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.