Home Wararka Gudaha Garyaqaanka guud ee dalka oo maxkamadda sare ugu baaqay inay diido dacwadda...

Garyaqaanka guud ee dalka oo maxkamadda sare ugu baaqay inay diido dacwadda Fahad Yaasiin

113
0

Sabti 16-ka April 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Xafiiska Garyaqaanka guud ee Soomaaliya ayaa maxkamadda sare ee dalka ka codsaday inay diido dacwadda lagasoo gudbiyay go’aanka guddiga doorashadu ku hakiyay kursiga Fahad Yaasiin.

Qoraal dheer oo kasoo baxay xafiiska garyaqaanka ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada ee FIET uu habraacii saxda ahaa u maray go’aanka uu ku hakiyay kursiga Hop86, islamarkaana kursigaas uu lamid yahay kuraasta kale ee la hakiyay.

Garyaqaanka guud wuxuu sheegay in cidda kale ee go’aan ka gaari karta cabashada kursigan uu yahay golaha wadatashiga qaran oo  ah fuliyayaasha heshiiska doorashooyinka dadban ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.