Home Arrimaha Bulshada Garoon Diyaaradeed oo lagu qabtay in ka badan Kun Xabo oo Diin...

Garoon Diyaaradeed oo lagu qabtay in ka badan Kun Xabo oo Diin diin ah

959
0

Garoonka Diyaaradaha magaalada Maniila ee caasimada dalka Filibiin ayaa lagu qabtay  in ka badan 1,500 xabo oo diin diin ah oo lagu soo qariyay boorsooyin looga dhax tagay gudaha garoonka.

Booliiska ayaa afar boorso oo garoonka diyaaradaha looga dhax tagay ka dhax helay Diin diinkan badan oo nool, waxaana la sheegay in qofkii boorsooyinka kusoo qariyay diin diinkan uu garoonka ka baxsaday.

Warbaahinta dalka Filibiin ayaa ku warantay in diin diinkan la doonayay in si sharci daro ah loo soo galiyo gudaha Filibiin, waxaana la sheegay in Diinkan lagu iibsan lahaa lacag ku dhaw Boqol Kun oo Dollar.

Qofkii watay boorsooyinkan lagu soo qariyay diin diinka nool ayaa la sheegay hadii la qaban lahaa in uu muteesan lahaa xukun adag oo xabsi ah iyo ganaax lacageed, waxaana dalka Filibiin dambi ah in si sharci daro ah xayawaan loo safriyo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.