Home Wararka Gudaha Galmudug oo diyaarisay Ciidamo horleh oo la dagaalama Al-Shabaab

Galmudug oo diyaarisay Ciidamo horleh oo la dagaalama Al-Shabaab

177
0

(Dh/mareb-xog-ogaal) Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo safar howleed ku jooga Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa tababar ciidan usoo xiray cutub ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Munaasabadan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada laanta Cabudwaaq ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan goleyaasha Galmudug, iyo maamulka Degmadda, iyada oo
Ciidamada ay soo bandhigeen xeeladihii iyo xirfadihii dagaal ee la baray intii tababarku socday.

Madaxweyne kuxigeenka oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay tababarista Ciidamada, wuxuuna Ciidamada kula dardaarmay inay si wanaagsan u vutaan waajibaadkooda Qaran ee loo igmaday.

Ciidamada katirsan Daraawiishta Galmudug ee tababarka loogu soo xiray degmada Cabudwaaq ayaa waxaa la filayaa inay dhawaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyaan degaano iyo degmooyin kuyaalla Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.