Home Wararka Gudaha Gaas & Faroole oo ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee...

Gaas & Faroole oo ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka masuuliyadda dhacdadii Bosaso

177
0

Arbaco 13-da July 2022, (Bosaso-xog-ogaal) Madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland ayaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar, ku eedeeyay inay masuul ka tahay dhacdadii ka dhacday magaalada Bosaso, waxay sheegeen guddoomiye ku xigeenku inay qaadayso masuuliyadda khasaarihii ka dhashay iska hor imaadkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 16 qof oo askar u badan.

Faroole, Cabdiweli Gaas, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad  iyo siyaasiyiin kale oo xilal kasoo qabtay Puntland, ayaa sheegay, in guddoomiye ku xigeenku ay baalmartay nidaamka dowliga ahaa markii ay u safraysay magaalada Bosaso.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.