Home Wararka Gudaha Gaari Dhuxul Siday Oo Lagu Gubay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Gaari Dhuxul Siday Oo Lagu Gubay Gobolka Shabeellaha Dhexe

306
0

Wararka ka imaanaya magaalada jowhar ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha dhexe shalay barqanimadii lagu gubay gadiid dhuxul u soo wedday magaalada Muqdisho,kaas oo ka soo amababaxay deegaano ka tirsan isla gobolka sh/dhexe

Gaari nooca Daynada loo yaqaan ayaa la sheegay in Alshabaab ay ku gubeen deegaanka Qalimoow oo hoos taga degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe,waxaana dad ku sugan deegaanku ay sheegeen in laga dejiyay dadkii la socday kadibna dab la qabadsiiyay.

Deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose ayaa iyna sidaan oo kale horay loogu gubay gaadiid dhuxul siday kuwaas oo badankood ku soo jeeday magaalada Muqdish,iyada oo gawaaridaasi dambas noqdeen kadib markii dabku baa,biyey

,Alshabaab ayaa go’aan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in aan la jari karin Dhirta lagana shidi karin dhuxul,iyaga oo intaasi ku daray in ciddii lagu arko tallaabo laga qaadi doono,sidoo kalena gaadiidku lagu helo isaga oo sida Dhuxul la gubi doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here