Home Wararka Gudaha Gaadiidleyda Magaalada Boosaaso oo Shaqa joojin sameeyay

Gaadiidleyda Magaalada Boosaaso oo Shaqa joojin sameeyay

188
0

Talaado 15-ka Maarso, (Boosaaso-xog-ogaal) Waxaa Maanta Shaqa joojin kaga dhawaaway magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaadiidka dadweyna qaada gaar ahaan kuwa loo yaqaan (Dhikilada) , kuwaas oo ka Shaqeeya Gudaha iyo daafaha magaalada boosaaso,gaadiidleyda ayaa waxaa ay ka cabanayaan qiimo kororka baahsan ee ku yimidshidaalka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo sheegay in aysan ku Shaqeyn karin sare u kaca Shidaalka.

Qaar kamid ah Gaadiidleyda Magaalada Boosaaso oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ugu baaqeen madaxda Maamulka Puntland inay keenaan qorsho lagula soconaya qiimaha shidaalka Caalamka iyo mid ay ku Shaqeysan karaan, maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa sare u kacay Qiimaha Shidaalka ee Caalamka, waxaana degaannada Puntland lagu kala iibsanayaa 20-ka litir  $21 ilaa $22 doollar waxaana maalmo kahor qiimaha ahaan uu joogay $14 halka  qiimaha fuustada shidaalka ah mareyo  $210 , iyada oo markii hore  ay aheyd $160 Dollar, qiimo kororka kuyimid shidaalka ayaa waxaa loo sababeeynayaa dagaalka u dhaxeeysa Ruushka iyo Ukraine, iyada oo uu saameeyay inta badan wadamada Caalamka oo ay kamid tahay Soomaaliya.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.