Home Wararka Gudaha Farmaajo Oo Sheegay Iney Xoogga Saareen Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Soomaaliyeed

Farmaajo Oo Sheegay Iney Xoogga Saareen Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Soomaaliyeed

285
0

Axad 1-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxaa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna, waxaana uu Shaqaalaha Soomaaliyeed ku bogaadiyey dadaalka ay soo geliyeen dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

“Waxaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, iyagoo ay ka go’an tahay horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaan ku boorrinayaa in ay dadaalkooda sii labo jibbaaraan, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.”

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.