Khamiis 1-da September 2022, (Muqdisho/Hargeysa/B/weyne-Xog-ogaal) Warar kala duwan ayaa ka soo kala baxaya sedex ruux oo rag ah oo nafta is dhaafiyey amaba is daldalay, dhacdada hore ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in nin ka mid ahaa dhalinyarada Muqdisho gaar degmada Wadajir ee Muqdisho uu is daldalay, dhacdada sedexaad ayaa ka dhacday magaalada B/weyne oo iyana sidoo kale uu wiil kale isku daldalay, halka dhacdada sedexaad ay ka dhacday magaalada Hargeysa oo iyana nin ka mid ahaa dadka deegaanka uu dab isqabadsiiyey amaba isku gubay.
Sababta keentay is daldalaada labada wiil hore ayaa lagu kala sheegay arrimo la xiriira dhibaato dhanka qoyska ah, iyadoo midka Madiina isku dilay la sheegay in sababta is dilkiisa ay aheyd kadib markii ay qoyskiisa ay u diideen inay u guuriyaan naag ay horay u kala tageen, halka kan B/weyne isku dilay isana sababta is dilkiisa lagu sheegay arrimo qoys iyo dhibaato dhalaale oo soo foodsaartay, sidaasina uu isku dilay.
Ninka sedexaad ayaa isku dilay xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa kadib markii uu dab is qabadsiiyey sida ciidanka dabdamiska ee maamulka Somaliland u sheegeen warbaahinta gudaha, “Waxaa abaare 1:00 duhurnimo ku geeriyooday xaafadda Jigjiga yar nin lagu magacaabo Axmed Nuur Sheekh Muumin, marxuumkaasi oo dab is qabadsiiyay” ayaa lagu yiri warbixinta ciidamada dab-damiska.
Dab-damisku waxay sheegeen in ninka dhintay oo qabay xanuunka dhimirka, isla markaana ka yimid qurbaha, uu isku soo xiray guri uu ka daganaa xaafada Jigjiga-yar ee magaalada Hargaysa, kadibna uu dab is qabadsiiyay, lama oga sababta keentay in Muumin uu is gubo, waxaana dhacdadan baaristeeda gacanta ku haya, ciidamada booliiska iyo ciidanka dambi baadhiska ee CID-da, sida dab-damisku sheegay.