Home Wararka Gudaha Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qirixii ismiidaaminta ahaa ee ka...

Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qirixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

202
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar agagaarka xerada Afisyooni degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, qaraxaan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen Saraakiil ajaanib caddaan ah oo aan ilaa hadda la ogeyn waxay ahaayeen.

Qaraxa ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa iyo qaar ka mid ab askartii la socotay kolanyada qaraxa Ismiidaaminta ah lala eegtay, xogta rasmiga ah ee khasaaraha dhimashada weerarka Ismiidaa-minta ee shalay dhacay ayaa sheegaysa in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah, isla markaana uu dhaawaca intaasi ka badan yahay, waxaana jiray bu-rbur xoogan oo gaaray guryahii halkaa ka agdhawaa & gaadiid farabadan oo ku gubtay qaraxaasi kuwaas oo agmarayey goobta uu qaruxu ka dhacay.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay mas’u-uliyadda weerarka Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in qaraxaasi ay la beegaadeen kolanyo gaadiid ah oo ay wateen Saraakiil cadaan ah, Al-shabaab ayaa bartooda Internet-ka ku sheegtay in mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen Saraakiisha cadaanka ah qaraxa uu ku burburay isla markaana waxyeelo xoogan ay gaarsiyeen, inkasta oo aysan tilmaamin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada.

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Xasan Aadan oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxaasi uu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed isugu jira, afhayeenka ayaa xaqiijiyey in dad gaaraya ilaa 9 ruux oo shan ka mid ah ahayeen askar afarta kalana ay ahayeen dad shacab ah ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen ilaa 14 ruux oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan.

“Waxa meesha ka dhacay waxay ahayeen wax lagu batilmaamedsanayo dhamaan ummadda Soomaaliyeed, majirin wax gaaray saraakiishii cadaanka aheyd oo iyagoo nabad qaba ayaa gaarigii ay saarnayeen laga soo dajiyay oo lagu qaaday gaari kale waxa ku dhintay meeshana dham-aan waa dad Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka booliiska Soomaaliyeed C/fataax Xasan Aadan.

Dhanka kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya ayaa si kulul waxa uu u cambaareeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee  shalay loo ade-egsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana Qaramada Midoobay ay been-isay in qaraxii shalay lala beegsaday kolanyo gaadiid ah ay la socdeen saraakiil ama qandaraasl-ayaal Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.