Home Wararka Gudaha Faahfaahin ku saabsan safarka madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Turkiga

Faahfaahin ku saabsan safarka madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Turkiga

118
0

Isniin 4-ta July 2022, (Ankara-xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Turkiga, waxaana soo dhaweeyey wasiirka waxbarashada dalka Turkiga Mahmt Özer iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Jaamac Cabdullahi Caydiid, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa waxay ka wada hadlidoonaan adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga labada dal ay wadaagaan.

Geesta kale, madaxtooyada Turkiga oo war kooban soo saartay waxay sheegtay in xiriirka labada dal iyo tillaabooyinka kor loogu qaadayo iskaashiga looga wada hadli doonaa inta uu socdo kulanka labada dhinac, “labada hogaamiye waxaa sidoo kale la filayaa inay is dhaafsadaan fikradaha ku saabsan horumarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka, booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ku tago dalka Turkiga, kadib markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee sannadkan.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.