Home Wararka Gudaha Faahfaahin ku saabsan Khilaaf Markale soo kala dhexgalay Yuusuf Dagabeed iyo Cali...

Faahfaahin ku saabsan Khilaaf Markale soo kala dhexgalay Yuusuf Dagabeed iyo Cali Guudlaawe

274
0

Axad 13-ka Maarso, (Beledweyne-xog-ogaal) Waxaa Maanta markale soo ifbaxay khilaaf xoogan oo la sheegay inuu u dhaxeeyo madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, kaasoo la xariira hab maamulka qabashada doorashada afar kursi oo ka mid kuraasta taala magaalada Baledweyne, maalinta berito ah ayaa lagu waday iney qabsoonto doorashada afar kursi ee la sheegayo iney isku khilaafeen Dabageed iyo Guudlaawe, islamarkaana Maanta uu qorshuhu ahaa in musharaxiinta kuraastaasi u tartameysa in la diiwaan geliyo si ay berito u tartamaan, hayeeshee ma suurtagalin qorshahaasi oo waxa labada masuul isku qabteen in la xiro kuraasta qaar iyo inaan la xirin.

Kursiga sababay ismari waaga kabada masuul ee in la xiro iyo inaan la xirin ayaa ah kursiga HOP 135 oo ay ku fadhisay afartii sano ee lasoo dhaafay Aamino Maxamed, kaasoo la sheegayo in Yuusuf Dabageed uu doonayo inuu u xiro Cumar Faaruuq Cismaan, dhawaan ayay aheyd markii labadaan masuul ee ugu sareeysa Hirshabeelle ay isku qabteen doorashada afar kursi oo qaar loo xirayo musharaxiin gaar ah iyo in la furo, walow markii dambe laba ka mid ahaa kuraasta la xiray halka labada kalana la furay.

Afarta kursi ee lagu waday in doorashadooda berito ka dhacdo Baledweyne ayaa tirsigoodu kala yahay HOP 135, HOP 063 HOP 011, HOP 004, waxaana warar hoose oo ay heshay shabakadda HOL ay sheegayaan in dib u dhaceyso doorashada afartaan kursi oo lagu waday in berito oo Isniin ah ka qabsoonto Baledweyne, sida ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.