Home Wararka Gudaha Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay xalay magaalada Kismaayo

Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay xalay magaalada Kismaayo

417
0

(Buurtinle-Xog-ogaal) Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xalay inta badan ay isa wada Casileen.

Is-Casilaada Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ayaa timid,kadib makii maalintii shalay aheyd Mooshin laga keenay Guddoomiyaha Degmada Maxamed Maxamuud Axmed (Buur-dibi),isla markaana uu Khilaaf ka dhashay arrintaas.

Guddoomiye Maxamed Maxamuud ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu gabay Shaqada degmada,waxaana xalay is Casilay 16 xubnood oo kamid ah Golaha Deegaanka degmada Buurtinle.

Sidoo kale gudaha Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland,mana jirto weli wax war ah  oo ka soo baxay oo ay uga hadlayan arrintaan.

Kulankii shalay Mooshinka looga keenay Guddoomiye Maxamed Maxamuud ayaa waxaa uu ku furmay 23 xildhibaan,kuwaasi oo dhammaantood ah xubnaha Golaha deegaanka.

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.