Home Wararka Gudaha Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay xalay magaalada Kismaayo

Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay xalay magaalada Kismaayo

283
0

(Kismaayo-Xog-ogaal) Mid kamid ah nabadoonada gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay lagu diley magaalada Kismaayo xilli uu ka soo baxay masjid uu ku tukaday salaada maqrib.

Dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan ayaa baxsady iyadoo halkaasi ay gaareen qaar ka mid ah ciidamada ammaanka magaalkada Kismaayo.

Nabadoonka la diley ayaa la sheegay inuu ka mid ah nabadoonada soo xulaya xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.

Dilka nabadoonka ayaa waxaa si kulul uga hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam isagoo amray laamaha ammaanka inay baaritaan ku sameeyaan sharcigana horkeenan ciddii ka dambeysay dilka nabadoonka.

Dilalka nabadoonada iyo dadka waxgalka ah ayaa marwalba ka dhaca dalka Soomaaliya iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa dilalkas.

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.