Home Wararka Gudaha Faahfaahin dadka lagu laayay Hiiraan iyo gawaarida la gubay

Faahfaahin dadka lagu laayay Hiiraan iyo gawaarida la gubay

108
0

Sabti 3-da September 2022, (Beledweyne-xog-ogaal) Sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Hiiraan Inta u dhaxeysa Degmooyinka Maxaas & Baladweyne waxaa ka dhacay weerar lagu gubay ku dhawaad 10 Gaari oo ah nooca xamuulka qaada, sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dileen qaar kamid ah Dadkii la socday gawaarida la gubay.

Tirada dadka la dilay ayaa ku dhawaa 15 ruux sida ay sheegeen maamulka gobolka Hiiraan, gaadiidkaan xamuulka ah ayaa waday Raashin waxaana jimcihii  ay ka baxeen Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan iyaga oo u rarnaa Degmada Maxaas oo u jirta 160 KM, deegaanka Afar-Irdood oo ah goobta lagu gubay Gaadiidka laguna dilay Dadka saarnaa ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa dhaqdhaqaaq ciidan ka waday Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta DG Hir-Shabeelle & Al-Shabaab.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.