Home Wararka Gudaha Faah faahino dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay degaano...

Faah faahino dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay degaano hoostaga Degmada Maxaas.

78
0

Arbaco 7-da September 2022, (Maxaas-xog-ogaal) Faah faahino dheraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo markale ku dhexmaray deegaanka Ceeleey oo qiyaas ahaan degmada Maxaas u jirta ilaa 30KM dagaalamayaal ka tirsan ciidamada la baxay dib xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab, dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo socday mudo dhowr saacadood oo xiriir ah waxaana dagaalka ka dhashay khasaaroyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ka dhacay deegaanka Ceeleey waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo isugu jira dhinacyada dirirta dhexmartay, iyadoo dhaawacyada dagaalkaasi ka dhashayna tiradooda intaasi ka badan tahay ,dagaalka ka dhacay deegaanka Ceeleey iyo deegaanada ku dhadhaw  ayaa lasoo wariyay iney  in uu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac oo halkaas dagaalku ku dhexmaray, ilaa iyo hadda labada dhinac ka ma aysan hadlin ka saaraha soo kala gaaray.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.