Talaado 26-da July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa deegaanka Tooratooroow ee gobolka Sh/hoose oo ay ka dhacday duqeymo diyaarado dagaal oo ay fuliyeen diyaarad dagaalka ah, deegaanka la duqeeyay ee Tooratooroow ayaa ka mid ah deegaanada ay sida weyn ugu xoogan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmga ah ee ka dhashay duqeymahaasi ka dhacday deegaankaas, dad badan oo goobjoogayaal ah oo codsaday inaan magacooda loo adeegsan warbaahinta ayaa sheegay in diyaaradaha duqeymaha geystay ay ahayeen laba diyaaradood, islamarkaana ay si gaar ah u beegsadeen xarmaha ay ku shaqeeyaan Al-shabaabka ku sugan deegaankaasi.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in labada diyaaradood mid ka mid ah ay dhulka usoo degtay, islamarkaana ciidamadii saarnaa ay ka xeysteen ku dhawaad 10 ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo ay ku tuhmayeen iney Al-Shabaab ka tirsan yihiin, lama oga dowladda iska leh diyaaradaha duqymaha Xalay ka geystay deegaanka Tooratooroow, hayeeshee waxaa duqeymaha noocaan oo kale ka fuliya deegaanada Shabaab ku sugan yihiin dowladdaha Mareykanka yo Kenya, majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ku aadan duqeymaha ka dhacay deegaanka Tooratooroow iyo khasaaraha ka dhashay.