Home Wararka Gudaha Duqa Muqdisho oo Hay’adda IOM kala hadlay wax u qabashada dadka kasoo...

Duqa Muqdisho oo Hay’adda IOM kala hadlay wax u qabashada dadka kasoo barakacay Abaarta

112
0

Axad 19-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda( IOM) ee Soomaaliya, kulankaas oo uu goob joog ka ahaa xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xaririiyaha Arrimaha Baniaadanimada ee Xafiska Xalka Waara ee G/Banaadir, ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baaxad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ee Mogadishu bixisay dhul ay ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa tilmaamay in dhismaha dhulkaas u qeyb ka qaadan doono daryeelka dadka Barakacayaasha ah, Bilicda Caasimadda iyo Nabadgalyada, xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir  Xiirey Axmed Rooble oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay in siweyn looga hadlay dadka faraha badan ee kusoo barakacay, kuwaas oo aan awood badan laheyn & sidii dadkaasi loo taageeri lahaa.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.