Home Wararka Gudaha Dowldda Soomaaliya oo kala hadashay qorshaha Midowga Afrika ee la wareegidda ciidamada...

Dowldda Soomaaliya oo kala hadashay qorshaha Midowga Afrika ee la wareegidda ciidamada Soomaaliya ee amniga dalka

44
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Muqdisho, ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, kulankaan oo shalay dhacay ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda iyo waajibaadka shaqo ee AMISOM, sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xilgaarsiinta.

Inta uu socday sidoo kale kulanka dhexmaray Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Caetano Madeira ayaa looga arrinsaday Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad dhisidda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dedaalada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya,  iyada oo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here