Home Wararka Gudaha Dowladda Turkey oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

Dowladda Turkey oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

132
0

Sabti 8-da October 2022, (Mogadishu-xog-ogaal)Dowladda Turkiga ayaa safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, sida lagu  sheegay qoraal ay faafisay wakaaladda wararka rasmiga ah Anadolu Agency ,wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa u magacaabay İbrahim Mete Yağlı, oo ah diblomaasi rug caddaa ah inuu noqdo safiirka Turkey u fadhin doono Muqdisho, isaga oo beddelaya Mehmet Yilmaz.

Mehmet Yilmaz ayaa ahaa safiirka Turkey ee Soomaaliya tan iyo bishii December ee 2018, İbrahim Mete Yağlı, oo ah 60 jir, ayaa horey usoo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan, waxaana ugu dambeeyey inuu soo noqday safiirka Turkey ee dalka Botswana intii u dhaxeysay 2014 illaa 2019. Kahor, wuxuu 2010 illaa 2013 ahaa qunsulka guud ee Turkey ee magaalada Vienna ee dalka Austria. 

Safaaradad Turkey ee Muqdisho ayaa ah tan ugu weyn ee Turkey ay ku leedahay caalamka, waxaana Ankara ay taageero xooggan oo maaliyadeed iyo mid ciidan siisaa dowladda federaalka Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib dib u doorashadiisa wuxuu Ankara booqday 6-dii July, isaga oo wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa Turkey Recep Tayyip Erdogan.

Waxaa xusid mudan in xiligaas uu Erdogan booqashada ku yimid Muqdisho ay ka jirtay xaalad adag oo bani’aadanimo ah, ayada oo caasimada dalku aheyd meel ka caagan booqashada Madaxda, islamarkaana ah “khad cas ah oo aan cidna tegin”.

“Caalamka oo dhan ayaa la yaabay markii ay arkeen Madaxweyne Erdogan iyo qoyskiisa, golahiisa wasiirrada iyo xildhibaanno socod ku maraya waddooyinka Muqdisho ka dibna booqasho iyo hoy ku jooga xeryaha barakacayaasha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.