Khamiis 3-da November 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo khamiis ah xukun dil ah ku fulisay Cumar Aadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muumin oo katirsan Alshabaab, labadan nin ayaa sannadkii 2019 dilalka qorshaysan ka geysan jiray magaalada Muqdisho, waxayna dileen labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ka hor inta aan gacanta lagu dhigin oo caddaalada la horkeenin.
Cumar iyo Cabdulle ayaa Shabaab kusoo kala biiray sanadihii 2014 iyo 2018. Maxkamadda ciidamada ayaa dil toogasho ku xukuntay December sannadkii 2020, labo sano kadib ayaa saakay lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa, waxayna qeyb ka noqonayaan tiro ka badan 10 ruux oo Shabaab ah, oo la qisaasay labo todobaad gudaheed.