Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF

Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF

99
0

Isniin 20-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF, siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga, wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celisay sida loo soo dhaweeyay , iyada oo sheegtay inay wadashqeyn wanaagsan dhexmari doonto.

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan , ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Wakiilka Cusub, isaga oo sheegay in ay wax badan ka wada Shaqeyn doonaan.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.