Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo wafdi dhabar-jebiya markale Xaaf u direysa Cadaado

Dowladda Soomaaliya oo wafdi dhabar-jebiya markale Xaaf u direysa Cadaado

295
0

(Cadaado-Xog-ogaal) Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi isugu jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya u direysa magaalada Cadaado oo la sheegay inuu fariisin ka dhiganayo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), kaas oo qaab caro ah uga guuray magaalada Dhuusamareeb, kadib tagistii wafiga ka socda dowladda.

Wafdiga ay direyso dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku jira Axmed Qoorqoor oo u sharaxan xila madaxweynaha maamulka Galmudug, sidoo kale waxaa xubno ka ah xildhibaano ka soo jeeda degmada Cadaado iyo kuwo kale oo ka soo jeeda deegaanada kale ee maamulka Galmudug uu ka taliyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya socdaalka wafdigaasi ayaa waxay sheegayaan inay Xaaf markale ku sameeyaan dhabar jebin amaba ay ogoleysiinayaan inuu dib ugu laabto magaaldad Dhuusamareeb, uuna ogolaado in Dh/mareeb lagu qabto doorashada madaxweynenimada Galmudug, haddii uu tartamayana isa soo sharaxo, inkastoo aan si rasmi ah loo hubin in wafdigan ay dowladda Soomaaliya iyadu direyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here