Sabti 10-ka September 2022, (Mogadisho-xog-ogaal) Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal ay ciidamadda amaanka ku galeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh.Hoose, halkaasoo xarun u eheyd dagaal yahanada Al-Shabaab, sida lagu cadeeyay warsaxaafadeed ay dowladda Soo saartay, weerarkaasi waxaa lagu dilay kuxigeenkii Shabaab ee deegaanka oo magaciisa Carab lagu sheegay, halka lagu dhaawacay 10 ruux oo kale oo ay ku jiraan mas’uulkii ugu ssreeyay deegaanka, madixii maaliyada iyo dagaal yahano kale.
Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan ay sidoo kale khasaare ka soo gaartay dad shacab ah oo xiliga weerarka ay heysteen kooxda Shabaab, walow aysan sheegin tirada ay gaarsiisan yihiin, ujeedka ugu weyn ee howlgalkan ayey dowladda ku sheegtay sidii loo soo burburin lahaa maxkanmad ay lacago baad ah dadka shacabka ah uga qaadaan kooxda oo ku taalay deegaanka weerarkan lagu qaaday.
Si kastaba, majiro wali wax war ah oo kooxda Al-Shabaab ay ka soo saartay weerarkan dowladda ay sheegtay in horjoogayaal ay dil iyo dhaawac ugu geysatay, iyadoo ciidamadda amniga la sheegay iney goobta markii danbe dib uga soo laabteen oo ay Shabaabkii haatan ku sugan yihiin.