Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la joojiyay shaqaale xoogsato ah in dalka...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la joojiyay shaqaale xoogsato ah in dalka laga dhoofin karo

140
0

Khamiis 17-da November 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la joojiyey Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama dalka laga dhoofin karo,  wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale sheegtay, dhammaaan ruqsadihii iyo shatiyadii horey wasaaradda Shaqadu u bixisey ee la siiyay shirkadaha shaqosiinta dibedda, in la baabi’iyey oo aysan jirin wax lagu dhoofin karo haatan.

Go’aanka lagu joojiyay shaqaaleysiinta xoogsatada ayaa lagu sheegay, kadib markii wasaaraddu aragtay inay hay’ado si joogto ah oo sharci darro ah dalka uga dhoofiyaan shaqaale Soomaaliyeed, iyadoo aan war laga haynin, oo aan wax heshiis ah lala gelin,
waxay kaloo wasaaraddu sheegtay inay jiraan tacaddiyo iyo xadgudubyo lagula kaco shaqaalaha loo dhoofiyo dalka dibbadiisa, arrintaas oo ay sheegtay inay kusoo wargaliyeen qoysaskooda.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.