(Muqdisho-Xog-ogaal) Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa Muqdisho ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Afrika gaar ahaan dhanka Waaxyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabad-dhisidda iyo Howlgallada Nabadda (DPPA-DPO), Martha Ama Akyaa Pobee.
Waxa uu kala hadlay horumarka siyaasadeed ee ka socda dalka, hannaanka doorashooyinka, howlgalladda Ciidamada Ammaanka iyo kuwa xoogga dalka ay ku sugayaan amniga iyo xasiloonida, iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray tan iyo sanadkii 1992-kii, waxaa sidoo kale laga wada hadlay xoojinta iskaashiga Qaramada Midoobey ee dhinacyada siyaasadda iyo adeegyada aasaasiga ah si horumar looga gaaro xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo amni.