Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeybgeli doonta Shirweyne Ka Furmaya dhawaan Dalka...

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeybgeli doonta Shirweyne Ka Furmaya dhawaan Dalka Ruushka

316
0

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan  Shirweynihii 5-aad ee Madasha Iskaashiga ee Dowladaha Carabta iyo Raashiya kaas oo dhawaan ka furmay dalka Ruush-ka

Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Raashiya ayaa xaqiijisay inuu Wasiir Cawad ka qeyb geli doono Shirweynahaasi oo bishan April 16-da ka furmi doona Caasimadda dalkaasi ee Mosko,iyada oo safaaraddu sidoo kale sheegtay inay Soomaaliya ka mid tahay Saddexda Dowlad Carbeed ee ka qeyb galay Kulamaddii hore ee Heerka Wasiirka Arrimo Dibadeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa iskaashiga dowladaha carabta iyo Ruushka iyo xaaladaha bariga dhexe,waxaana lagu wadaa in qodobo kala duwan laga soo saaro shirkaasi kuwaas oo khuseeya arrimaha muhiimadda gaarka ah u leh labada dhinac

Shirweynihii 4-aad ee Madasha Iskaashiga ee Dowladaha Carabta iyo Raashiya ayaa lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta sanadkii 2017-kii,ilaa haddana lama oga tirada wadamada carabta ee madaxdoodu shirka sanadkan ka qeybgeaya

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Segey Lavarov waxa uu bogaadiyey doorka uu Madasha Iskaashiga Carabta iyo Raashiya ka qaadanayo ballaarinta  Iskaashiga iyo Wada-shaqeynta dhinacyadda badan ee u dhexeeya Dowladdaha Raashiya iyo Carabta.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.