Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid hadal ka soo yeeray Xaaf, sheegtayna in...

Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid hadal ka soo yeeray Xaaf, sheegtayna in doorasha ay ka dhaceyso…

286
0

(Dh/mareeb-Xog-ogaal) Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid hadal xalay ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), kaas oo sheegay inuu aqbalay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qabto bisha July, inkastoo uu shuruud ka dhigay inay ka dhaceyso magaalada Cadaado, waxaana muuqata in hadalkaasi ay diidantahay wasaaradda arrimaha gudaha.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada Galmudug lagu qababanayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, aysanna ka dhici Karin meel aan aheyn Dhuusamareeb maadaama ay tahay caasimadda maamulka Galmudug, waxaana warka lagu xusay in doorashada ay dhaceyso 4-ta bisha July ee soo socota.

wuxuuna u qornaa warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha gudaha sidan hoose.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.