Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Cabdullaahi Shirwac

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Cabdullaahi Shirwac

84
0

Axad 29-ka May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xlgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida allaha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa”, cabdullaahi M. Shirwac ayaa ahaa xubin firfircoon oo bulshada rayidka ka tirsan , waqtigiisa iyo maskaxdiisana mar walba u hurayay horumarinta nabadda iyo abaabulka bulshada ee ku wajahan ka jawaabidda xaaladdaha deg-degga ah ee gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.