Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dilalka Soomaalida loogu geysto dalka Jarmalka

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dilalka Soomaalida loogu geysto dalka Jarmalka

66
0

Jimce 26-ta August 2022, (Frank fort-Xog-ogaal) Safiirka Soomaaliya ee dalka Jarmalka Maxamed Maxamuud Tifoow ayaa sheegay inaysan jirin muwaadiniin Soomaali ah oo si sharci darro ah ama si qasab ah looga masaafuriyay dalkaasi, safiirka oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay la mid yihiin dadka ajaaniibta ah ee ku dhaqan dalka Jarmalka, isla markaana ay leyihiin xuquuq la siman muwaadiniinta dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Jarmalka Maxamed Maxamuud Tifoow, waxa uu xaqiijiyey in ay ka warhayaan dil todobaadkii hore ciidanka boliiska ay u geysteen nin soomaali ah,isagoo intaa raaciyay in ay jiraan qoysas laga qaatay caruurtooda ,kadib markii lagu eedeeyayIn ay dayac ku sameeyeen la socodka iyo ka warqabka nolosha caruurtaasi, safiirka waxa uu soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka ay wax u qabsadaan sida dadyowga kale, dalka Jarmalka waxaa ku nool 72 kun oo Soomaali ah, kuwaas oo 20 kii sano ee u dambeeyay galay ama u tallaabay dalkaasi, waxayna isugu jiraan qaar sharci leh iyo kuwo aan sharci heysan.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.