Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo Digniintii ugu adkeed u dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo Digniintii ugu adkeed u dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed

182
0

Sabti 15-ka October 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Jabriil, oo goordhaw warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa uga digay ganacsatada Soomaaliyeed in ay wada shaqeyn la yeeshaan Al Shabaab , waxa uu sheegay wasiirka ganacsiga in dambi tahay in wada shaqeyn iyo la macaamil lala yeesho kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay ciddii lagu arko isaga oo wada shaqeyn ama la macaamil la leh Al Shabaab tallaabo adag laga qaadi doono.

Wasiirka ayaa sheegay shirkaddii ama ganacsadihii lagu arko la macaamilka Al Shabaab in lagala laaban doono ruqsada ganacsi , waxa uu sidoo kale cadeeyay ganacsadihii lacag siiya Al Shabaab laga mamnuuci doono in dalka wax ganacsi ah ku sameeyo, cabdirashiid Jabriil, ayaa sidoo kale sheegay shirkaddii ay ku cadaato in ay ku jiraan xubno katirsan Al Shabaab ama wakiil uga noqda ganacsigooda in dowladda kala wareegeyso dhammaan waxii hanti ah ay shirkadaasi leedahay.

Wasiirka ganacsiga ayaana faray ganacsatada Soomaaliyeed in ay dhaqan geliyaan amarkan cusub ee kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya kana digtoonaadaan la macaamilka iyo gacan siinta kooxda Al Shabaab, hadalkan kasoo yeeray wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, xilli Al Shabaab la sheegay in dhaqaale fara badan si joogta ah uga qaado ganacsatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha waa weyn ee kuyaalla Muqdisho iyo qeybo dalka kamid ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.