Home Wararka Gudaha Dowladda Soomaaliya oo dhisaysa Buundadii la qarxiyay ee Buuloburde

Dowladda Soomaaliya oo dhisaysa Buundadii la qarxiyay ee Buuloburde

130
0

Sabti 29-ka October 2022, (Buuloburde-xog-ogaal) Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku sugan Hiiraan, bartamaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay qeybaha kala uwan bulshada deegaanka ee magaalada Buuloburde, mudane Wasiir Axmed Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa u sheegay reer Buulaburde in ay wafdigiisa la socdaan ilaa 4 hey’ad oo kala USAID, NIS Foundation, ERI iyo IOM, Injineerro iyo saraakiil kale, waxaa uuna intaa raaciyey in la caawinayo dadka, sida ugu dhaqsaha badanna loo dhisi doono buundada halbowlaha u iska xirka dalka.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, arrimamaha dib u xorreynta, qiimeynta iyo dhismaha buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale, wafdiga ayaa sidoo kale kulammo la yeeshay saraakiisha amniga ee ka socdo ATMIS, ciidanka xooga dalka, Booliiska iyo maamulka degmada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.